Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ajax Kala Heshiisay Saxiixa Matthijs de Ligt, Goorma Ayaa La Dhamaystiri Doonaa Heshiisa.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay kooxda Ajax kala heshiiyaan saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Matthijs De Ligt sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga reer Holland ee da,yarka ah si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe ee xilli ciyaareedka dambe si ay ugu tartanto koobka champions League.

Barcelona ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa saxiixa Matthijs De Ligt iyaga oo tartan kala kulmaya kooxaha Liverpool, Man United, PSG iyo Bayern Munich kuwaas oo doonaya adeegiisa.

Idaacada RADIOCAT ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ugu dambayn heshiis kala gaadhay kooxda Ajax saxiixa da,yarka reer Holland ee Matthijs De Ligt.

Barcelona ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa daafaca aadka loo qiimeeyo ee qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii tagay.

Idaacada ayaa sheegaysa in ay kooxda Barcelona ku dhawaaqi doonto saxiixa Matthijs De Ligt marka ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho da,yarka lana gaadho bisha dambe ee July.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.