Arsenal Oo Talaabo Weyn Oo Muhiim Ah U Qaaday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

Tababare Unai Emery ayaa bilaabay dib u dhiska kooxda Arsenal ee xagaagan iyaga oo isku diyaarinaya sidii ay u tartami lahaayeen xilli ciyaareedka dambe Xilli ay talaabo weyn oo muhiim ah u qaaday saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaagan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda ka ciyaarta horyaalka shiinaha ee Dalian Yifang ee Yannick Carrasco.

Xiddiga reer Belguim ee Yannick Carrasco oo u ciyaara kooxda Dalian Yifang ayaa wakhti fiican ku soo qaatay kooxda Atletico Madrid ka hor intii uuna u dhaqaaqin horyaalka Shiinaha.

Laakiin ku biiristii horyaalka shiinaha ayaa hoos u dhigtay ka soo muuqashadiisa xulka qaranka Belguim taas oo keentay in uu dib ugu soo laabto horyaalada qaarada yurub.

Xiddiga ayaa lala xiriirinayay kooxda Arsenal suuqii January laakiin Gunner ayaa go,aansatay in ayna awooda saarin soo xero galintiisa suuqii January.

Si kasta ha ahaatee Gunners ayaa haatan wadahadalo horumar leh kula jirta kooxdiisa xilli ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la sii gaadhay xiddiga reer Bleguim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.