Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Saxiixa Yannick Carrasco, Halka Wado Ee Ay Ku Helayso Ayaa Loo Sheegay.

Kooxda Arsenal ayaa laga soo diiday dalab Rasmi ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda ka ciyaarta horyaalka shiinaha ee Dalian Yifang ee Yannick Carrasco.

Kooxda Arsenla ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga garabka ka ciyaara tan ilaa suuqii January ee la soo dhaaafay Waxana maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay in ay Arsenal heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Belguim ee 25 jirka ah.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in ay Kooxda Arsenal dalab Amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin kooxda Dalian Yifang ayaa ka soo diiday dalabkaas.

Kooxda Dalian Yifang ayaa Arsenal u sheegtay in ay miiska saarto lacag dhan 25 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga hadii kale ay iska ilowdo saxiixa Yannick Carrasco.

Tababare Unai Emery ayaa kaliya la siiyay 40 milyan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xagagan kadib markii ay ka hadheen tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa kooxda shiinaha ee Dalian Yifang miiska u saartay dalab heshiis amaah ah oo ay ku doonayso xiddiga Yannick Carrasco in ay hal sano ku qaadato amaah kadib dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.