Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga Kadib Markii Dalab ka Gudbisay Xiddig Ay Doonaysay Suuqii January, Garabka Ayuu Ka Ciyaaraa

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga kadib markii ay dalab Rasmi ah ka gusbisay xiddig ay doonaysay tan ilaa suuqii January ee bilowgii sanadkan.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Yannick Carrasco kadib markii ay dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga.

Arsenal ayaa xiiso u qabtay xiddigii hore ee Atletico Madrid suuqii January laakiin waxa ay go,aansadeen in ay amaah ugu dhaqaaqaan xiddiga Denis Suarez oo ay amaah kala soo wareegeen Barcelona.

Kadib markii ay Suarez dib ugu direen Barcelona Unai Emery ayaa doonaya in uu helo saxiixa xiddiga reer Belguim ee Yannick Carrasco.

Yannick Carrasco ayaa doonaya in uu isaga tago horyaalka shiinaha Arsenal ayaana miiska u saartay dalab Rasmi ah sida laga soo xigtay wargayska Sport.

Heshiiska ayaa la rumaysanyahay in uu ku dhawyahay dhamaad kadib markii uu Yannick Carrasco si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku laabto yurub gaar ahaan premier league.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.