Antoine Griezmann: Waan Ogahay Kooxda Aan Ku Biiri Doono & Waliba Waxa Ay Tahay In Aan Sameeyo Si Aan Ugu Biiro

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa sheegay in uu ogyahay waxa uu u baahan yahay in uu sameeyo si uu ugu biiro kooxda uu doonayo.

Xiddiga reer France ayaa isaga tagi doona kooxda Atletico Madrid i bisha July marka ay lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisu noqoto lacag dhan 120 milyan oo euro.

“Waan garanayaa meesha aan ka ciyaari doono”ayuu Griezmann u sheegay Telefoot.

“Waan ogahay meesha aan ku biiri doono iyo waliba tanaasulka aan u baahanahay in aan sameeyo si aan ugu biiro”.

“Waxa kaliya ee aan dalbanayo ayaa ah samir yar markaas kadib waxa aan dhawaan sheegi doonaa kooxda aan ku biiri doono”.

Kooxaha Barcelona iyo PSG Ayaa ah kooxaha kaliya ee xiisaha u qaba saxiixa 28 jirkan weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.