Antoine Griezmann Oo Real Madrid Ka Caawinaya In Ay Hesho Kylain Mbappe

Koxoda Real Madrid ayaa ku rajo weyn in ay hesho saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo caawin ka heli kara xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Wargayska AS ayaa sheegaya in mustaqbalka Antoine Griezmann saamayn ku yeelan doono mustaqbalka xiddiga ay isku xulka qaranka yihiin ee kooxda PSG ee Kylain Mbappe.

Kooxda PSG ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga Antoine Griezmann kaas oo xaqiijiyay in uu isaga tagi doona kooxda Atletico Madrid xagaagan si uu ugu biiro koox cusub xagaagan.

Wargayska Sport ee ka soo baxa Barcelona ayaa shalay sheegay in ay kooxda PSG heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Xiddig Atletio Madrid ee Antoine Griezmann si ay u hesho adeegiisa xagaagan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Arintaas kooxda Real Madrid ka caawin doonto helitaanka saxiixa Kylain Mbappe kaas oo lala xiriirinayay kooxda Real Madrid muddo dheer.

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigatay Mbappe muddo dheer si ay u helaan adeegiisa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.