Yaa Ku Xooggan Baacsiga Loogu Jiro Saxiixa Hakim Ziyech , Arsenal Mise United?

Arsenal ayaa lagu waramayaa in hogamineyso loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga Ajax ee Hakim Ziyech

Arsenal ayaa la xusayaa in ay wadahadallo la fureen kooxda reer Holland si 26-sano jirkaan u helaan xagaaga .

Ajax dhankooda waxa ay qireen in ay adag tahay in laacibka ku hayaan kooxda maadaama naadiyada ugu weyn yurub ay wada doonayaan saxiixiisa .

Talk Sport ayaa sheegeysa in Arsenal diyaar la tahay 25 milyan oo euro si Hakim Ziyech u helaan xagaagaan .

Laacibkaas ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Champiopn-ka waxa ayna kooxdiisa Jax ku hartay Semi Finalka waxaana reebtay kooxda Tottenham

Hakim Ziyech waxaa sidoo kale dooneysa United balse Arsenal ayaa muuqata in ay ka dhab tahay doonistiisa

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.