WARBIXIN: SHAN Weeraryahan Oo Ay Barcelona U Doonayso Badalka Luis Suarez

Kooxda Barcelona ayaa raadinaysa weeraryahan cusub oo badal u ah Luis Suarez oo ay xilli ciyaareedka dambe ku nasiso xiddiga reer Uruguay kadib markii uu noqday xiddig da, ah.

Barcelona ayaa doonaysa in ay la soo wareegto weeraryahan cajiib ah oo awood u leh in uu dhaliyo goolal badan waliba kooxda si fiican uga caawiya in ay koobab u tartanto.

Wargayska Mundo Deprotivo ayaa sheegaya in ay jiraan 4 xiddig oo lala xiriirinayo kooxda Barcelona kuwaas oo yaala miiska maamulka Barcelona si ay ugu dhaqaaqaan adeegiisa.

Liiska xiddigaha ay doonayso Barcelona ayaa kala ah Xiddiga kooxda Sevilla ee Wissam Ben Yedder, Cristhian Stuani, Maxi Gomez iyo waliba Fernando Llorente.

Wissam Ben Yedder ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 18 gool sidoo kale caawiye ka noqday 9 kale xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana lagu heli karaa 40 milyan oo euro.

Cristhian Stuani ayaa dhankiisa ah weeraryahan cajiib ah isaga oo dhaliyay 20 gool 2 gool oo kaliya ka dambeeya xiddiga Barcelona ee Luis Suarez tartankii goolasha La Liga.

Wargayska ayaa sheegay in fursadaha Llorente iyo Maxi Gomez in ay aad u hoosayso marka dhan laga eego sabab la xidhiidha in ayna kooxohoodu doonayn in ay iska iibiyaan xagaaga.

Magaca ugu dambeeya ee xiddiga weerarka ka ciyaara ee lala xiriirinayo ayaa ah Alexandre Lacazette waana mid ay suurgal ahayn in ay Barcelona hesho marka loo eego in uu xiddigu heshiis wakhti fog ah kula jiro waliba laf dhabar u yahay kooxda Arsenal kuwaas oo aan ogolaan doonin in ay lacag yar ku fasaxaan xiddiga xitaa hadii ay ogolaadaan in ay fasaxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.