WARBIXIN: Real Madrid Oo Xagaagan Jabin Doonta Rikoodhka Suuqa Kala Iibsiga

Kooxda Real Madrid ayaa gali doonta suuqii ugu mashquulsanaa taariikhdeeda xilli ay isku diyaarinayso in ay xoojiso kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda ayaa horay u soo martay wakhti noocan oo kale iyada oo u baahatay in ay xoojiso kooxda waliba galiso lacag weyn si ay dib u dhis ugu samayso kooxda.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa suuqa galiyay lacag dhan 254 milyan oo euro xagaagii 2009 iyaga oo kula soo saxiixday xiddigaha Cristiano Ronaldo, Kaka & Karim Benzema iyo waliba xiddigo kale taas oo ay u badan tahay in ay xagaagan kor u dhaafto qiimahaas.

Real Madrid ayaa haatanba 95 milyan oo euro kula soo wareegay xiddigaha Rodrygo (45 million euros) & Militao (50 million euros) laakiin waxa wali soo socda xiddigo cusub.

Eden Hazard ayaan kooxda ku iman doonin wax ka yar 100 milyan oo euro taas oo qiimaha ay ilaa haatan suuqa galisay kor ugu qaadi doonta lacag dhan 195 milyan oo euro marka uu xiddiga reer Belguim yimaado.

Los Blancos ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa saxiixyada Luka Jovic kaas oo ay Madrid kula soo saxiixan karto 60 milyan oo euro taas oo qiimaha guud kor ugu qaadi doonta lacag dhan 225 milyan oo euro taas oo la macno ah in uu dhaafi doono qiimihii xagaagii 2009.

Si kasta ha ahaatee Zidane ayaa wali doonaya daafaca bidix ee kooxda Lyon ee Ferland Mendy kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 30 milyan oo euro.

Kadib Zidane ayaa doonaya xiddiga Paul Pogba kaas oo aan lagu heli karan wax dhan 140 milyan oo euro halka ay sidoo kale doonayaan Christian Eriksen Kaas oo ah Badalka Pogba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.