WARBIXIN: Juventus Oo Laba Xiddig Diyaar Ula Ah Si Ay Uga Helaan Paul Pogba

Kooxda Juventus ayay ka go,antahay in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo haatan isku diyaarinaya in ay qorshe kale ula tagaan kooxda Man United si ay ugu qanciyaan in ay dib uga iibiyaan Pogba.

Juventus ayaa diyaarinaysa dalab ay ku jiraan xiddigaha Paulo Dybala iyo Alex Sandro si ay Man United uga helaan saxiixa Paul Pogba sida uu qorayo wargayska Express.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus ku rajo weyn tahay in ay labada xiddig hoos u dhigaan qiimaha 140 milyan ee euro ee ay United dul dhigtay madaxa xiddiga.

Xiddigaha Dyabal iyo Alex Sandro ayaa lala xiriirinayaa in ay isaga caraabayaan kooxda Juventus xagaagan kadib markii ay boos joogto ah ka waayeen kooxda.

26 jirka ayay doonaysaa in ay dib ugu soo celiso Turin halkaas oo uu ku qaatay 4 sano ka hor inta aanu xagaagii 2016 ugu biirin man United 105 milyan oo euro.

Qaab ciyaareedkiisa ayaan joogto u ahayn man United laakiin waxa ay Juventus aaminsan tahay in uu kooxda ka caawin karo ku guulaysga champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa dhankiisa u furan in uu ku soo biiro kooxda Juventus kadib markii todobaadkii hore lagu arkay Turin isaga oo xiddigaha Juventus kala qayb qaatay xaflada macasaalamaynta daafaca Andrea Barzagli.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.