WARBIXIN: 20-ka Xiddig Ee ilaa Haatan Lala Xiriirinayo Kooxda Man United

Suuqa kala iibsiga xagaaga premier League ayaa dhawaan furmay maantana furan 6 maalmood kadib markii uu dhamaaday horyaalka premier League 12 bishan lagu jiro haatan.

Kooxda Man United ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn loo filayo in ay mashquul noqdaan suuqa Xagaagan lana soo saxiixdaan xiddigo badan si fiicana isku xoojiyaan xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatanba bilaabay sidii uu xiddigo cusub ugu soo dari lahaa kooxdiisa iyaga oo lala xiriirinayo xiddigo badan oo ay doonayaan adeegiisa.

Inkasta oo suuqa kala iibsiga Premier League kaliya furan yahay 6 maalmood oo kaliya hadana kooxda Man United ayaa lala xiriirinayaa xiddigo badan oo ay doonayso kooxda Red Devils.

Kooxda Man United ayaa lala xiriirinayaa 20 xiddig oo kala duwan kuwaas oo ka ciyaara horyaalada kala duwan ee yurub si ay u helaan adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Liiska 20-ka xiddig ayaa u badan xiddigo da,yar ah kuwaas oo uu tababare Ole Gunnar taageero u yahay:

  1. Longstaff
  2. Sancho
  3. Felix
  4. Dybala
  5. Partey
  6. James
  7. Rakitic
  8. De Ligt
  9. Collins
  10. Maguire
  11. Onana
  12. Perisic
  13. Fernandes
  14. Bale
  15. Wan-Bissaka
  16. Van Aanholt
  17. Varane
  18. Pepe
  19. Griezmann
  20. Koulibaly

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.