Walaalka Ahna Wakiilka Marcus Rashford Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Wararka Xiddiga La Xiriirinayo In Uu Ka Tagayo Kooxda

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashoford ayaa lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Man United isaga oo xiiso ka helaya kooxda Barcelona kuwaas oo suuqa ugu jira badalka Luis Suarez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Rashford ayaa joojiyay wadahaladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray kooxda Man United kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay soo qaadatay kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Talaabadaas ayaa dabka ku sii shiday wararka la xiriirinaya in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin walaalka la dhashay Marcus Rashford ayaa beeniyay waxa ay saxaafadu isla dhex marayaan ee ah rabitaanka walaalkii ee ah in uu isaga tago Man United xagaaga.

Rashford ayaa ka mid ah xiddigaha uu tababare Ole Gunnars Solskjaer ugu jecelyahay Man United waliba doonayo in uu isaga ka dhigo xiddiga 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Walaalka la dhashay Rashford oo arintaas ka hadlaya ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray” Saxaafadu waxa ay abuuraan waxyaabo mar walba oo uu socdo wakhtigu, fadlan wax yar joojiya”.

Xiddiga reer England ayaa la xusayaa in uu kooxda Man United ka dalbanayo lacag dhan 250 kun oo Gini todobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.