Vincent Kompany Oo Isaga Tagaya Man City Kadib 11 Sano Oo Uu Joogay, Imisa Koob Ayuu Kula Guulaystay?

Daafaca Kooxda Man City ee Vincent Kompany ayaa isaga tagi doona kooxda Man United kadib 11 sano oo uu joogay kooxda.

Kabtanka Man City ee Vincent Kompany oo jira 33 jir ayaa ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Man City kulankii ay ku guulaysteen Finalka tartanka FA Cup-ka.

Daafaca reer Belguim ayaa ciyaaray 360 kulan tan ilaa markii uu Man City kaga soo biiray kooxda Hamburg xagaagii 2008 isaga oo kooxda kula guulaystay 4 horyaal oo premier League ah, 2 FA Cup iyo 4 League cup.

Kooxda Man City ayaa sheegtay in si deg-deg ah warbixin looga soo saari doono bixitaanka Vincent Kompany.

Kompany ayaa kooxda Man City kaga tagay si sharaf leh kadib markii uu ku hogaamiyay saddexley taariikhi ah oo koobabka maxaliga ah.

Man City ayaa markii ugu horaysay taariikhdeeda ku wada guulaystay saddex koob oo maxaliga ah kadib markii ay ku guulaysteen koobabka Premier League, FA Cup-ka iyo League Cup-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.