Thibaut Courtois Oo Kashifay In Uu Ku Dhawaaday In Uu Isaga Boxo Kubada Cagta & Waliba Ciyaartii Uu Doonayay In Uu Ku Biiro Oo Uu Kashifay

Goolhayaha Kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa kashifay in uu ku dhawaaday in uu isaga boxo kubada cagta si uu ugu biiro ciyaar kale oo ka mid ah ciyaaraha laga ciyaaro adduunka markii uu yaraa.

Goolhayaha ku guulaystay goolhayihii ugu fiicnaa koobkii adduunka ee Russia 2018 ayaa kashifay in uu ku dhawaaday in uu isaga boxo kubada cagta kuna biiro tartanka mootooyinka.

27 jirka reer Belguim ayaa sheegay in uu ku dhawaaday in uu iska daayo kubada cagta kuna biiro tartanka mootooyinka markii uu yaraa sabab la xidhiidha jacayl uu u qabo tartankaas.

Laakiin Goolhayaha ayaa si deg-deg ah go,aanka uga laabtay siina watay ciyaarista kubada cagta oo uu haatan kaga mid yahay goolhayayaasha ugu fiican kubada cagta.

Thibaut Courtois oo la hadlaya wargayska MARCA ayaa yidhi” Waxa aan jeclaa tartanka mootooyinka markii aan jiray 11 ilaa 12 sano waxana aan ku dhawaaday in aan isaga tago kubada cagta si aan ugu biiro ciyaartaas xitaa waxa aan u sheegay waalidkayga laakiin ugu dambayn waxa aan sii watay xirfadayda kubada cagta”.

Goolhayaha oo Real Madrid 35 milyan oo euro ugu soo biiray suuqii xagaaga ayaa wakhti adag ku qaadanaya kooxda Real Madrid iyada oo ilaa haatan laga dhaliyay 48 gool tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.