Tartanka Gool Dhalinta Yurub Oo Sii Xoogaysanaya Xill Messi & Kylian Mbappe Kala Qaadi Doonaan Kulanka Ugu Dambeeya

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 34 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan Halka uu xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe dhaliyay 32 gool kadib labadii gool ee uu dhaliyay kulankii ay PSG 4/2 uga badiyay kooxda Dijon.

Xilli labada xiddigna u Hadhay min hal kulan ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka waxa ay la macno tahay in tartanka gool dhalinta yurub wali noolyahay.

Messi ayaa kulankiisii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ciyaari doona maanta oo Axad ah iyada oo ay Barcelona booqan doonto kooxda Eibar halka uu Mbappe ciyaari doon kulanka ugu dambeeya ee horyaalka Ligue 1 todobaadka dambe kulanka ay PSG booqan doonto kooxda Stade Reims.

Goolashii uu Mbappe dhaliyay ayaa ahaa kuwii 3-aad iyo 4-aad ee kooxdiisa kadib markii ay xiddigaha Di Maria iyo Cavani dhaliyeen labada gool ee hore.

Tartanka loogu jiro gool dhalinta yurub ayaa la gaadhi doonaa maalinta ugu dambaysa horyaalada France iyo Spian ka hor inta aan la ogaan xiddiga ku guulaystay sanadkan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.