Tababare Ole Gunner Oo Helay Farsamo Pogba Ku Sii Hayn Karta QalcaddaOld Trafford , Mana Aha Dhanka Maaliyadda

Tababaraha Ma United ee Ole Gunner ayaa dadaal ku bixinaya in uu kooxda ku sii hayo Pogba isaga u maraya waddo waliba oo  laga yaabo in arintaas ay ka caawiso .

Warar badan ayaa tilmaamaya in laacibkaas uu ka tagayo United waliba uu xagaagaan u wareegayo kooxda Real Madrid oo in muddo ah daba joogta laacibkaas

ESPN ayaa sheegeysa in Ole uu aad u rajeynayo in laacibka ku sii haayo kooxda isla markaana adeegsado  xeelad waliba oo uu uga hor istaagi karo in Pogba uu baxo

Macalinka ayaa lagu waramayaa in uu doonayo in Pogba  u dhiibo caalamadda kabtanimo ee kooxda iyadoo uu filayo in arintaas ay ka caawineyso in uu  badallo fikirka Pogba

Antonio Valencia ayaa ah kabtanka United balse laacibkaas isna waa uu baxayaa bisha June maadaama hishiiskiisa uu kooxda ku siman yahay xagaagaan mana jirto illaa haataan wadahadallo loo soo bandhigay.

Waxaa lagu waday in Ashley Young loo dhiibo balse macalinka ayaa haatan si weyn u qorsheynaya in arintaas uu ku badalo go`aanka  Pogba  oo uu ka dhigo kabtanka koowaad ee kooxda United l

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.