TAARIIKH: Pep Guardiola Oo Noqday Tababarihii 7-aad Ee Ku Guulaysta Saddex Koob Oo Maxali Ah

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa taariikh ka sameeyay England kadib markii uu kooxdiisa Man City kula guulaystay koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

City ayaa dhamaystirtay saddexleyda Maxaliga ah kadib markii ay guusha weyn ka gaadhay kooxda Watford iyaga oo koobka FA Cup-ka ku dartay koobabka Premier League iyo Carabao Cup-ka.

Waa markii ugu horaysay ee ay Man City ku guulaysato Tartanka FA Cup-ka tan ilaa 2011 waana markii ugu horaysay ee uu Guardiola ku guulaysato tartanka FA Cup-ka.

Tababaraha reer Spain ayaana haatan ah kaliya tababarihii todobaad ee ee ku guulaysat saddexda koob ee laga ciyaaro England xilli ciyaareed kaliya.

Tababaraha reer Spain ayaa rikoodhkan kula biiray tababarayaasha Joe Mercer, Sir Alex Ferguson, Sir Kenny Dalglish, Jose Mourinho, Don Revie, Bill Nicholson, Iyo George Graham.

Kooxda Man City ayaa difacatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xiriir ah iyaga oo hal dhibic kaga qaaday Kooxda Liverpool maalintii ugu dambaysay.

Si la mid ah wiilasha Pep Guardiola ayaa difaacday tartanka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay rikoodhayaal kaga qaadeen kooxda Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.