Ronaldo Oo Maamulka Juve Ku Qal-qaalinaya In Ay La Soo Wareegaan Tababare Jose Mourinho

Wargeyska Tutto Sport ee Italy ayaa sheegaya in gool dhaliyaha Juventus ee Ronaldo uu kooxda ku war giliyay in uu doonayo in mar kale uu la shaqeeyo tababare Jose Mourinho

Mourinho iyo Ronaldo ayaa soo wada shaqeeyay inta u dhaxeysay 2010/2013-kii oo ay wada joogeen Real Madrid .

Juve oo uu ka huleelay tababare Allgeri ayaa waxaa lala xaririnayaa dhowr macalin waxaana haataan shaqadaas ugu cad Jose Mourinho .

Inkastoo cadoowtooyo fog u dhaxeyso Mourinho iyo taageerayaasha Juve sababo la xariira xilligii uu laylinayay Inter Milan oo sedexdii koob ee taariikhiga la qaaday 2010-kii hadan Jose qorshayaasha Juve waa uu ku jiraa xilli uu haatan shaqo la`aan yahay

Arinta fududeyn karta in Ronaldo iyo Jose mar kale wada shaqeeyaan ayaa ah in wakiilka labada nin uu yahay Jorge Mendes waxaana soo baxaya warar sheegaya in durba sheekada qal-qaalada ay bilaabatay

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Jose sidoo kale lala xariirinayo PSG isaga oo dhawaan sheegay in uu la dhacsan yahay mashruuca kooxdaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.