Romelu Lukaku Oo Dagaal Suuqa Ah Dhex Dhigay Kooxaha PSG & Inter Milan

Weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa dagaal adag oo suuqa ah dhex dhigay kooxaha Paris Saint-Germain Iyo Inter Milan sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorshaynaya nadiifin suuqa xagaaga Lukaku oo 15 gool dhaliyay ayaana ka mid ah xiddigaha uu kooxda ka diri doono.

Xiddigii hore ee kooxaha Chelsea iyo Everton ayaa laftiisu sheegay in laga yaabo in uu isaga tago kooxda Man United si uu uga ciyaaro oo u tartami karta koobab xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa Lukaku u doonaysa in ay ku badasho xiddiga Edison Cavani waxana ay diyaar u yihiin in ay United miiska u saaraan 90 milyan oo euro.

Laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxda Inter Milan kuwaas oo doonaya adeega xiddiga reer Belguim kana mid ah Liiska uu tababare Antonio Conte doonayo marka uu tababare u noqdo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Conte ayaa Lukaku doonayay xitaa markii uu tababarhaa u ahaa kooxda Chelsea haatana waxa lala xiriirinayaa kooxda Inter Milan oo uu Conte ku dhaw yahay in uu tababare u noqdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.