Rodrigo, Jesus, De Gea, Zaha, Kante, Rashford, Pogba, Wan-Bissaka & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man City ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Rodrigo laakiin tababare Pep Guardiola ayaa loo sheegay in uu marka hore iibiyo Gabriel Jeus (Sun).

Kooxda Paris St-Germain ayaa isku diyaarinaysa saxiixa in ay u dhaqaaqdo Goolhayaha Man United ee David De Gea inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga (Express).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha laakiin  Gunners ayaa loo sheegay in ay bixiyaan 40 milyan oo euro (Sun).

Kooxda Paris St-Germain ayay ka go,antahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee N’Golo Kante (Mirror).

Kooxda Tottenham ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaqdo saxiixa xiddiga Tababare Massimiliano Allegri hadii uu tababare Mauricio Pochettino isaga tago kooxda (Express).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino (Star).

Kooxda chelsea ayaa Callum Hudson-Odoi u soo bandhigaysa heshiis 5 sano ah iyo waliba Lambarka No.10 marka uu ka tago kooxda chelsea (Mail).

Kooxda Crystal Palace ayaa dhigeeda Man United u sheegtay in ay 60 milyan oo euro miiska saarto hadii ay doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Aaron Wan-Bissaka (Mai).

Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Marcus Rashford kaas oo ay doonayso in ay miiska u saarto lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii (Star).

Kooxda Man United ayaa Paul Pogba u sheegtay in uu warqada bixitaanka gudbiyo hadii uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United (Sun).

Xiddiga Paul Pogba ayaa sidoo kale Real Madrid u sheegtay in uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ug biiro Real Madrid (Manchester Evening News).

Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Shkodran Mustafi (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay bixiso lacagta 31 milyan ee euro ah ee lagu bur-burin karo heshiiska daafaca kooxda Roma ee Kostas Manolas (Express).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha kooxda Ajax ee Andre Onana si ay ugu badalaan David De Gea (Record).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddigaha Marco Asensio & Edinson Cavani hadii ay ku guulaystaan racfaanka ay ka qaadanayaan ganaaxa suuqa laga saaray (Star).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang marka ay dhamaystirto saxiixa Eden Hazard (Star).

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay iska fasaxdo qaar ka mid ah xiddigaha kooxdeeda iyada oo doonaysa saxiixa daafacyada Harry Maguire & Aaron Wan-Bissaka(Times).

2 Comments

  1. Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha laakiin Gunners ayaa loo sheegay in ay bixiyaan 40 milyan oo euro (Sun).

    zaha 40milyan oo euro maaha sxb khaladaadka iska daaya. yaa idin aqrisanaaya hadaa been sheegtaan. 80 m baa ku sheegtaan markale xagee wax ka jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.