Real Oo Ka War Soo Saartay Dhaawaca Dani Ceballos , Qaranka Spain Ee Da`yarta Dharbaaxo Ayaa Ku Dhacday

Kooxda Real Madrid ayaa ka warbixisay nooca dhaawac ee gaaray qadkooda dhexe Dani Ceballos kaasi oo aan ciyaari doonin kulanka La Ligaha ugu dambeeya ee ay axadda la ciyaarayaan kooxda Real Betis

Waxa ay Real sheegeen in laacibka uu ka sheeganayo dhaawac muruq ah uuna jiro dilaac ka dib baaritaano lagu sameeyay

Dhaawaca uma muuqdo mid halis ah balse waxaa loo badinayaa in koobka qaramada yurub ee da`yarta 21 jirada uusan Spain u safan doonin kaasi oo xagaaaga ka dhacaya Italy

Sida darteed Dani Ceballos ayaa ku biiray liiska dhaawacyo ee Real ee ay horay ugu jireen Ramos , Mariano iyo Álvaro Odriozola

Marka dhaawacyada laga yimaado kulankaas beri waxaa Real ganaax uga maqan Casermo iyo Jesús Vallejo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.