RASMI: Chelsea Oo Si Rasmi Ah U Soo Bandhigtay Saxiixa Christian Pulisic

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Christian Pulisic kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay ku dhawaaqdo kadib markii ay saxiixiisa dhamaystirtay suuqii Januaury.

Chelsea ayaa xiddiga Christian Pulisic kala wareegaysa kooxda Borussia Dortmund kuwaas oo ay suuqii January ee bilowgii sanadkan kala wareegeen lacag dhan 57 milyan oo euro laakiin heshiis amaah ah ugu dirtay kooxdiisa si uu ula dhamaysto xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedkoodu kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay xiddiga isaga oo lagu soo bandhigay garoonka Stamford Bridge dhexdiisa.

Christian Pulisic ayaa ugu soo biiray chelsea si uu badal ugu noqdo xiddiga Eden Hazard kaas oo ku biiri doona kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Inkasta oo ayna kooxda chelsea xaqiijin hadana kooxda Christian Pulisic ayaa la sheegayaa in uu kooxdiisa cusub u xidhan doono Lambarka No.10 kaas oo uu ka tagi doono Hazard.

1 Comment

  1. Asc asxbat kooxda.net Ramadan kariim waxan idinku borinayaa shaqda aad uhaysaan asxbta ku xiran ciyaaraha lkn hal dhib ayaa din haysto taas oo ah news laga soo gudbay ugu yaraan 10hrs ama 1 day ayad soo qadantan isku daya inaa sida ugu dhaqsaha badan ad uso tabisaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.