RASMI: 7-da Xiddig Ee Ku Guulaystay Gool Dhalinta 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn & Goolasha Ay Dhaliyeen

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday dhamaan horyaalada kala duwan yurub gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn iyada oo haatan la soo xidhay xilli ciyaareedka 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Horyaalka Serie A-da oo xalay dhamaaday ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee soo afjarma 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedka 2018/2019 oo ahaa mid aad u xiiso badan.

Waxa xilli ciyaareedkan calaf u yeeshay in ay noqdaan geesiyada horyaalada ugu waaweyn yurub kooxaha Man City (Premier League), Bayern Munich (Bundesliga), Juventus (Serie A), Barcelona (La Liga) Iyo PSG (Ligue 1).

Waxa xiiso lahaa xilli ciyaareedkan tartamada gool dhalinta horyaalada ugu waaweyn oo ay 7 xiddig ku guulaysteen kabta dahabka ah ee horyaaladooda kala duwan xilli ciyaareedkan.

Horyaalka premier League oo ahaa midka ugu xiisaha badna dhanka gool dhalinta ayay saddex xiddig ku wada guulaysteen kabta dahabka ah kuwaas oo kala ah Salah, Mane, Aubameyang oo dhaliyay 22 gool xilli ciyaareedkan.

Horyaalka La Liga ayuu Lionel Messi si cad ugu guulaystay isaga oo dhaliyay 36 gool oo bilaa muran ah halka uu horyaalka Serie A-da lama filaan lagu arkay kadib markii uu xiddiga Fabio Quagliarella una ciyaara kooxda Sampdoria waliba jira 36 sano jir ku guulaystay gool dhalinta horyaalka isaga oo dhaliyay 26 gool.

Horyaalka Ligue 1 ee France ayuu da,yarka PSG ee Kylain Mbappe iska shitay isaga oo horyaalka xilli ciyaareedkan dhaliyay 33 gool sidaasna ugu guulaystay kabta dahabka ah halka uu Lewandowski iska shitay horyaalka Bundesliga kaas oo uu ka dhaliyay 22 gool si xalaal ahna ugu guulaystay gool dhalinta horaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Premier League:

Salah, Mane, Aubameyang: 22 gool

La Liga:

Lionel Messi: 36 gool

Serie A-da:

Quagliarella: 26 gool

Bundesliga:

Lewandowski: 22 gool

Ligue 1:

Mbappe: 33 gool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.