Petr Čech Oo Dib Ugu Laabanaya Chelsea , Goorma Ayay Dhaceysaa Arintaas?

Ilo wareedyo saxaafadda Ingiriiska ah  ayaa sheegaya in goolhayaha kooxda Arsenal ee Petr Čech uu dib ugu laabanayo xagaagaan  kooxda Chelsea .

Goolhayahaas ayaa dhawaan shaaciyay in uu ku fikirayo in uu ka fariisto kubadda cagta marka xilli ciyaareedka dhamaado

Kaliya hal kulan ayaa Petr Čech uga haray aayihiisa kubadda cagta waana kulanka finalka Europe League ee ay 29-ka bishaan wada ciyaarayaan kooxda Arsenal

Sky Sport ayaa sheegeysa in Petr Čech uu si rasmi ah ugu laaban doono kooxda Chelsea kuwaasi oo marka xilli ciyaareedka uu dhamaado waliba loo samenyayo macslaameyn weyn

Warku waxaa uu intaas ku darayaa in Petr Čech uu Chelsea uusan ugu laaban doonin ka ciyaar yahan  balse uu noqonayo agaasimaha ciyaaraha ee Chelsea

Waxaa xusid mudan in Petr Čech uu  horay Chelsea ugu ciyaaray inta u dhaxeysay 200-tii illaa 2015-kii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.