Pep Guardiola Waa Mucjiso Aan La Xaqiri Karin , Marka La EegoXisaabtaan Waxa U Madan Yahay In Salaan Sharafeed Loo Taago.

Dadka wax dhaleeceeya ayaa mar waliba ku weerara in guuulaha tababare Pep ee Barcelona ahaayeen mid ku timid cagta Messi halka markii uu joogay Munich-na ku doodeen in uu sii dhameystiray shaqo uu qabtay Jupp Heynckes halka City-na yiraahdaan lacagta ayaa u sabab ah balse sheekeeda sidaas ma ah felesoofkaan isaga ayaa wata mucjisadiisa .

Pep xilli ciyaareedka soo dhamaaday ee 2018/2019-ka waxa uu qabsaday afarta koob ee Ingiriiska , ka soo biloow Community Shield oo uu Chelsea laba gool uga qaaday bishii August , ka dib EFL Cup ee uu isla Chelsea uga qaaday rigooyaal , ka dib loollan adag oo Liverpool ah waxa uu qaaday horyaalka , ugu dambeyn FA Cup-ka ayuu nus darsin uga qaaday Watford sabtidii.

Taariikh ayuu dhigay waana mucjiso hadaba Laacib Tv Tube ka daawo falaanqeyn la xariirta taariikhda uu dhigay Pep

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.