Muxuu Cristiano Ronaldo U Sheegay Xiddigaha Juventus Markii La Shaaciyay Bixitaanka Max Allegri

Tababaraha Kooxda Juventus ee Max Allegri ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay in uu ka tagayo kooxda wakhti yar ka hor inta ayna kooxdu si Rasmi ah ugu dhawaaqin in uu tababarohoodu ka tagi doono kooxda.

51 jirkan ayaa isaga tagi doona kooxda dhamaaadka xilli ciyaareedkan kadib 5 sano oo uu hogaaminayay kooxda ku ciyaarta Allianz Stadium.

Allegri ayaa 5 horyaal oo xiriir ah kula guulaystay kooxda Juventus isaga oo sidoo kale laba koob oo maxali ah kula guulaystay 4 jeer tan ilaa markii uu Antonio Conte ka badalay shaqada.

Laakiin inkasta oo uu hal sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa Allegri ayaa isaga tagi doona kooxda marka uu dhamaadka xilli ciyaareedka Serie A-da.

Kadib markii uu tababaruhu xiddigaha kooxdiisa u sheegay in uu ka tagayo kooxda xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa xiddigaha ay isku kooxda yihiin u sheegay in ay Axada isaga dartiis u ciyaaraan guulna ku macasalaameeyaan.

Ronaldo ayaa Juventus kaga soo biiray kooxda Real Madrid xagaagii waxana kooxda loo keenay in uu kula guulaysto champions League oo ah koobka ay madaxda kooxdi sida weyn u doonayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.