Muuqaal Cajiib Ah: Daawo Paul Pogba Oo Jooga Masaajidka Nabi Mohamed (صلى الله عليه وسلم).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay Muuqaal isaga oo jooga Masaajidka Nabi Mohamed (صلى الله عليه وسلم) maalmo yar kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Man United.

Xiddiga reer France oo dhaleecayn weyn kala kulmay qaab ciyaareedkiisa ayaa la kulmay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka qaranka France ee Kurt Zouma iyo waliba saaxiibo kale.

Pogba ayaa duubay intii uu joogay masjika Nabi Mohamed (صلى الله عليه وسلم) ee ku yalaala magaalada Madiina ee dalka Sucuudiga ka hor inta ayna u dhaqaaqin magaalada Makka oo ay ku cimraysteen.

Xiddiga oo si weyn loola xiriirinayo ayaa niyad jabkii uu ku dhamaystay xilli ciyaareedka isku ilowsiinayay cimro kadib markii ay kooxdiisu ka hadhay champions League xilli ciyaareedka dambe.

Halkan Hoose Kaga Bogo Muuqaalka:

1 Comment

  1. Ceeb ayey nigu tahay qof cibadeysanayo in aad dhahdaan niyad jabka ayuu isku ilow sinayaa kala saara cibada allah shaqsiga shaqadiisa mahad sanadiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.