Medhi Benatia: Ronaldo Ayaa U Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or, Halkan Sabab Ayaana Hoos U Dhigaysa Fursadaha Messi.

Xiddigii hore ee kooxda Juvenntus Medhi Benatia ayaa shaaca ka qaaday xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or ee sanadka 2019.

Daafaca khabiirka ah ee Medhi Benatia oo haatan u ciyaara kooxda ka dhisan dalka Qatar ee Al-Duhail ayaa sheegay in uu Cristaino Ronaldo u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or 2019.

Medhi Benatia ayaa ka soo garab ciyaaray Cristiano ka hor inta uuna ka tagin kooxda kuna biirin kooxda reer Qatar ee Al-Duhail suuqii January ee la soo dhaafay.

“Waxa aan makhraati ka ahaa qaab ciyaareedka Cristiano ee horyaalka Serie A-da iyo champions League”ayuu Benatia yidhi.

“Waxa uu muujiyay awooda uu u leeyahay ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2019”.

“Laakiin waxa ay tahay in aan sugno cida ku guulaysata tartanka champions League xilli ciyaareedkan”.

“Messi waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah laakiin guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay Liverpool ayaa hoos u dhigaysa fursadihiisa ku guulaysiga abaalmarinta laakiin wuu u sharaxnaan doonaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.