Maxay Tahay Sababta United Dib U Hakiyeen Wadahadaladdii Ay Kula Jireen Tanguy Ndombele?

Pogba ayaa sabab u noqday in Man United ay dib u dhigaan wadahadaladdii ay kula jirtay kooxda Lyon ee ay ku doonayeen Tanguy Ndombele .

Laacibkaas reer France ee Tanguy Ndombele ayaa soo jiitay indhaha kooxo ay ka mid yihiin Tottenham , PSG iyo Juventus .

Wargeyska L’Équipe ayaa sheegaya in maamulka United go`aansadeen in ay dib u dhigaan wadahadaladda gaarka ah ee ay ku doonayeen hishiiska Tanguy Ndombele inkastoo ay u doonayaan in ay xagaagaan helaan

Wargeyskaas ayaa sheegaya in sababta arintaas ka dambeysa ay tahay in marka hore maamulka United ay doonayaan in ay dhan u ridaan xaaladda Pogba kaasi oo warar badan sheegayaan in uu baxayo

Waxaa xusid mudan in United ay uga baxeyso Tanguy Ndombele qarash dhan 100 milyan oo gini maadaama suuqa xagaaga aad looga doonayo 22 snao jirkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.