Man United Oo Paul Pogba U Sheegtay Halka Wado Ee Uu Ugu Biir Karo Real Madrid Xagaagan

Kooxda Man United ayaa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba u sheegtay halka wado ee uu uga tagi karo kooxda inta lagu jiro suuqa xagaaga uguna biiri karo kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid xagaagan iyada oo uu tababare Zidane doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man United ayaan doonayn in ay iibiso xiddiga iyada oo ay jiraan warar sheegaya in ay Red Devils Kooxda Real Madrid ka diiday dalab furitaan ah oo ay ka soo gudbisay saxiixa xiddiga.

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United ayaa xiddiga iyo waliba wakiilkiisa Paul Pogba u sheegay in ay gudbiyaan warqada bixitaanka hadii uu xiddigu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid suuqa xagaaga.

Paul Pogba ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Pogba ayaa dhawr jeer qirtay in uu ku riyoonayo xidhashada maaliyada Real Madrid iyo waliba in uu ka hoos ciyaaro tababaraha ay isku dalka yihiin ee Zinedine Zidane.

Laakiin United ayaa xiddiga u sheegtay in halka wado ee uu kaga tagi karo kooxdu tahay in uu warqada bixitaanka u gudbiyo kooxdiisa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.