Man City Oo Loolan La Galeysa Liverpool , Nabil Fekir Ayaa U Sabab Ah

Kooxda Man City ayaa damacsan in loollan xooggan ay la gasho dhigeeda Liverpool waxa ayna doonayaan in ay dalab ka geeyaan xiddiga kooda Lyon ee Nabil Fekir .

Laacibkaas reer France ayaa loo badinayay in xagaagii hore uu ka huleelyo Lyon una wareegayo Liveropool balse ugu dambeyn arintaas ma aysan dhicin .

Arintaan ayaa imeeneysa xilli mar kale Liverpool ay soo nooleeyeen xiisaha ay qabaan laacibkaas kaasi oo soo bandhigayo heer ciyaareed aad u wacan .

Liverpool ayaa laacibkaas xagaagii hore ku dooneysay 53 milyan oo euro balse sababta aysan u dhameystirin hishiiska ayaa ah iyaga oo xilligaas xoogaa ka wel welsanaa dhaawac jilibka ka hayay laacibka .

The Sun ayaa sheegeysa in City haatan damacsan yihiin in ay dalaba ka geeyaan 25 sano jirkaas si xagaaga u helaan waana qad dhexe weerar sidoo kalana ka ciyaara garabka
Hishiiska Nabil Fekir ee Lyon ayaa la fuilayaa in uu dhaco xagaaga 2020-ka mana jiraan illaa haatan wadahadalo la furay laacibkaas

Garabkaan ayaa Lyon u tagay sanadkii 2011-kii waxaan haatan aad loogu badinayaa in xagaagaa uu baxayo xili qiimihiisa suuqana noqon doonin mid sareeya maadaama hishiiskiisa uu dhamaad yahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.