Liverpool Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Memphis Depay

Kooxda Liverpool ayaa qaadaysa talaabadii ugu horaysay ee ay ugu dhaqaaqi lahayd saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay kuna soo fashilmay kooxda Man United.

Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u dirtay kulankii dhexmaray Lyon iyo Marseille si ay u soo daawadaan qaab ciyaareedka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa isha ku haya xiddiga ku fashilmay kooxda Man United kaas oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 9 gool sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale.

Wargayska Mercato 365 ayaa sidoo kale sheegaya in ay indha-indheeyayaasha Liverpool sidoo kale soo daawaday qaab ciyaareedka xiddigaha khadka dhexe ee Houssem Aouar & Tanguy Ndombele.

Kooxda Lyon ayaa ku badisay 3/0 iyada oo ay goolasha u kala dhaliyeen xiddigaha Maxwel Cornet (2) iyo Moussa Dembele.

Depay ayaa ku soo laaban doona premier League xagaaga kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ka tagay Man United.

Xiddiga reer Holland ayaa ku fashilmay Man United isaga oo wakhti adag ku qaatay kooxda ku ciyaarta Old Trafford intii u dhexaysay 2015 iyo 2017 ka hor inta uuna 16 milyan oo euro ugu biirin Lyon waxana la filayaa in ay Lyon dalban doonto lacag dhan 26 milyan oo euro si ay u fasaxdo xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay Depay ku badasho xiddigaha Salah iyo Mane oo laga yaabo in uu midkood ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.