Liverpool Oo Dhibaato Ku Noqonaysa In Ay Man United Hesho Saxiixa Ryan Sessegnon & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Fulham kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga garabka daafaca ka ciyaara ee Ryan Sessegnon sida uu sheegayo saxafiga Sky Sport ee David Garrido.

David Garrido ayaa sheegaya in ay jiraan kooxo kale oo xiiso u qabaan adeega xiddiga laakiin kooxda Man United tahay kooxda kaliya ee xiriirka dhabta ah la samaysay kooxdiisa Fulham.

Inkasta oo ay Man United si dhab ah u muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa Ryan Sessegnon hadana kooxda Liverpool ayaa dhibaato ku noqon doonta dhamaystirka Man United ee saxiixa xiddiga.

Ryan Sessegnon ayaa taageere weyn u ah kooxda Liverpool ilow wareedyo ku dhaw wargayska Express ayaa sheegaya in uu da,yarku doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool hadii uu sii joogayo premier League.

Inkasta oo ayna Liverpool haatan doonayn saxiixa xiddiga hadana Liverpool ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga sidaas darteed ku biirista uu ku biiro Man United ayaa sabab u noqonaysa in uuna Abid u ciyaarin Liverpool.

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayayna xiddigo u kala wareegin muddo 55 sano ah iyada oo uu xiddigii ugu dambeeyay ee si toos ah ugu kala wareegay ahaa Phil Chisnall kaas oo uu kala wareegay sanadkii 1964.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.