Liverpool Iyo Munich Oo Ku Biiray Loolanka Loogu Jiro Paulo Dybala, Imisa Ayaa Lagu Heli Karaa ?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxaha Liverpool iyo Bayern Muncih ay si dhab ah ugu biireen loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala

Laacibkaas reer Argentina ayaa aad lala xariirinayaa in uu baxayo xagaagaan inkastoo maalmo ka hor uu tilmaamay in uu sii joogayo kooxda Juve ka dib markii uu ka huleelay tababare Allegri

Correra Del Sport ayaa laga soo xiganayaa in Juventus dhankooda ay dalabanayaan aduun gaaraya 90 milyan oo euro si 25 sano jirkaas u fasaxaan xagaagaan

Paulo Dybala ayaa xilli ciyaareedkii soo dhamaaday aan soo bandhigin heer ciyaareed wacan waxa uu dhaliyay kaliya 10 gool dhamaan tartaamdii ay Juve ku jirtay

Waxaa horay u soo baxay warar sheegaya in Liverpool dooneyso in hishiis is waydaarsi la sameeyaan Juve oo lacag iyo Mohamed Salah isugu daraan balse Correra Del Sport ayaa sheegeysa in Liverpool kaliya damacsan tahay in lacag ay bixiyaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.