La Ogaaday: Lacagta Lagu Bur-Burin Karo Heshiiska Jurgen Klopp Ee Liverpool Oo La Kashifay Kadib Xiisihii Juventus Ee Tababaraha.

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa kashifay qiimaha lagu bur-burin karo heshiiska tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp kadib xiisihii ay kooxda Juventus u muujisay tababaraha kooxda Liverpool.

Klopp ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay kooxda Juventus iyo suurtagalnimada uu tababare ugu noqon karo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda ku guulaystay horyaalka Serie A-da ee Juventus ayaa xaqiijisay in uu tababareheeda Max Allegri isaga tagay kooxda kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Wargayska Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday in uu Jurgen Klopp leeyahay lacag lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda Liverpool koox walbana ku qasban tahay in ay bixiso.

Tababare Jurgen ayaa Liverpool kula jira heshiis ku dhamaan doona ilaa xagaaga 2020 isaga oo sanad walba mushahar ahaan jeebka ugu shubta lacag dhan 8 milyan oo euro.

Sidaas darteed koox walba oo doonaysa adeega tababaraha waxa ku qasban in ay miiska saarto lacag dhan 32 milyan oo euro hadii ay doonayso adeega tababaraha reer Germany.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.