Ka Dib Hadaladii Xanaaqa Ahaa Zidane Ee Maanta , Ma La Dhihi Karaa Waxa Uu U Wareegayaa Juventus?

Saxaafadda Italy oo ka faa`ideysaneysa hadal uu maanta yiri tababare Zidane ka hor kulanka beri ee Real Betis ayay bilaabeen in ay durba la xariiriyaan in uu qabanayo kooxda Juventus ee xilli ciyaareedka dambe .

Zidane ayaa sheegay in isaga yahay qofka go`aaminaya shaxda Real haddii uusan ku farxin oo wax waliba noqon sida uu doonayo in uu isaga tagayo kooxdaas.

Zidane oo xilli cityaareedkii hore lala xariirinayay Juve ayaa haatan u muuqda mid adag maadaama uu bilo ka hor uu hishiis u saxiixasy Real ka dib markii uu dib ugu laabtay kooxdaas kaasi oo soconaya illaa iyo xagaaga 2022-ka .

Mar la weydiyay arimaha suuqa iyo shaxda Real ee xilli ciyaareedka dambe ayuu Zidane qaab xanaaq ah u yiri” aniga ayaa ah qofka ka mas`uulka ah ahlkaan , anaa dhahaya midkaan ayaa noqonaya goolhayaha koowaad , labaad iyo sedexaad , haddii arinta sidaas noqon waan iska baxayaa”.

Arinta keeni karta in Zidane uu ogalaado in uu Juve maamulo ayaa ah in sanadkaan badal lagu sameeyay hanaanka canshuuraha dalkaas oo mushaarka la siiyo shaqaale ajanabi ah dhanka casnhuurta waa uu ka yar yahay kan laga qaadayo shaqaalaha maxaliga ah .

Waxaa xusid mudan in Zidane uu Juventus horay ugu soo ciyaaray inta u dhaxeysay 1996- ilaa 2001-dii waxa uuna marar badan sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Juve .

Macalin Allgeri ayaa kooxdaas ka huleelay ka dib shan sano oo uu la joogay waliba marar badan ku hogaamiyay horyaalka iyo finalka Champion-ka waxaan haatan ay baadi goobeysaa tababre cusub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.