Ka Dib Ciyaar Hal Dhinac ahyed , Man City Oo Ku Guuleysatay FA Cup-ka Xilli Watford Ay Ugu Awood Sheegteen Nus Darsin Goolal Ah

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay Watford laba gool oo nadiif ah xilli guud ahaan kubadda maamulkeeda uu gacanta ugu jiray City , waxa uuna kulankaan ahaa finalka FA Cup-ka

Watford waxa ay biloowgii isku dayayeen in ay kubadda la qeybsadaan City waliba ay tagaan goosha City balse biloowgaas ma sii socon oo City iyada ayaa la wareegtay kubadda ka dib goolkii 1-aad

Inta badan kubadda waxa ay City ku haysay aagga goosha Watford wax ayna goolka koowaad heleen daqiiqaddii 26-aad waxaana saxiixay David Silva halka kan labaad ay heleen daqiiqaddii 38-aad waxaana dhaliyay Raheem Sterling

Heerka kubad haysashada City mar waliba %70 ayay ka sareysay halka dhamaadkii ay gaartay %74 waxaana kooxda Watford lagu dilay baasaska waxa ayna dhankooda ku tiirsanayeen kaliya kubadaha rogaal celisa h balse ma ahyen kuwo meel fog gaarayay

Soo laabashadii ,Watfiord biloow fiican ayay ciyaarta ku bilaabaan balse waxaa ku adkaa in ay joogteeyaan waxa ayna kubadda maamulkeeda u ogaalanayeen City .

Sidaas oo ay tahay Watford waxa ay halayaan fursado wacan ee ay gool ku dhallin kareen xilli ay jirtay rigoore aan loo dhigin ka dib markii Kompnay uu kubadda gacanta ku taabtay daqiiqaddii 56-aad .

City, ma aheyn kuwo Watford u ogalaanayeen in maamul kubadda ku raageen waxa ayan ku heleen gool sedexaad waxaan dhaliyay Kevin De Bruyne daqiiqadii 65-aad

Goolkaas sedexdaas waxa uu kala dhantaalay rajadii Watford waxa ayna bilaabeen in kubadda cagtooda ka baxsato waxaana loogu daray gool 4-aad waxaana saxiixay Gabriel Jesus daqiiqadii 68-aad

City %69 maamulka kubadda iyaga aya haya waxa ayna doonaan ayay ciyaarta ka yeelayeen halka Watford dadaal ugu jiraan in aan goolal dheeraad ah laag dhalin inkastoo ay dareensanaayeen in koobka u gacan galay City balse gool 5-aad ayaa daqiiqaddii 81-aad loogu daray waxaana dhaliyay Raheem Sterling daqiiqaddii 81-aad

Ma jirrin ciyaarta wax laga qoro oo City ayaa kubadda haysatay xilli Watford la isaga baashalaayay waxaana loon raaciyay gool 6-aad waxaan saxiixay mar kale Raheem daqiqaddii 87-aad waxa uuna Raheem  sidaas ku dhaliiyay sedexleey xilli ciyaarta ay ku dghamaatay  gool

City oo maalmo ka hor ku guuleystay horyaalka Ingiriiska waxa ay sidaas kuq aadeen sedex koob oo ay ku jiraan FA Cup-ka iyo League Cup-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.