Juventus Oo Ka Hadashay Wararka La Xariirinaya Tababare Pep Guardiola

Madaxa kooxda Juventus ee Fabio Barracchi ka hadlay wararka sheegayay in Juve ay xariir la sameeyeen tababaraha Man City ee Guardiola si uu u hogaamiyo xilli ciyaareedka dambe

” Dhanka tababaraha aan dooneyno si deggan ayaan u baadi gobeynaa waxaana sugeynaa in horyaalka si buuxda uu u xermo caawa”

Waxa uu qiray in aysan marnaba xariir la sameeyeen tababare Pep ” xittaa kuma fikirin in aan la xariirno ma aqaan halka wararkaas laga soo xigtay” ayuu sii raaciyay madaxa Juventus

Waxaa dhawaan soo baxay warar sheegayay in Guardiola uu iska diiday dalab sareeya oo uu ahelay Juve si uu u hogaamiyo xilli ciyaareedka dambe

Juve ayaa baadi goobeysa tababare waxaana dhawaan ka huleelay Allegri ka dib 5 jeer oo is xigta oo uu la qaaday horyaalka Talyaaniga

Haatan waxaa soo baxaya warar sheegaya in Juve hishiis la gaareen macalinka Chelsea ee Sarri ayna kaliya sugayaan kulanka ugu dambeeya Chelsea ee 29-ka bishaan la ciyarayaan Arsenal kaasi oo ah finalka Europa League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.