Juventus Iyo Tababare Allegri Oo Kulan Ka Leh Mustaqbalka Macalinka , Kaliya Laba Arin Ayaa Hor Taal

Saxaafadda Italy ayaa qoreysa in maamulka Juventus ay todobaadka dambe kulan la yeelanayaan tababare Allegri si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa kooxda

Allegri ayaa ku jira dhamaadka xilli ciyaareedkiisa shanaad ee kooxda Juve isaga oo la qaaday shan jeer xariir oo horyaalka Italy ah balse Champion-ka ayuu ku fshilmayu inkastoo laba jeer finalka uu yimid .

Wargeyska Tutto Mercato ayaa sheegaya in kaliya laba arin uun laga doodi doono in hishiis cusub la siiyo ama in uu kooxda ka huleelo marka horyaalka la xero

Haddii uu joogayo waxa uu Allegri doonayaa in loo balan qaado in kooxda xiddigo cusub lagu soo xoojinayo kuwaasi oo wax ku ool ah si Champion-ka xilli ciyaareedka dambe ugu tartamaan .

Juve ayaa dhowr xiddig ka baadi goobeysa suuqa kala wareegga waxaana ugu cad Lukaku oo weerarka ugu ciyaara Juventus

Juventus oo horyaalka qaaday sedex todobaad ka hor weli isaga oo aan dhamaan hadana tan iyo markaas ma aysan guuleysan waxa ayna bar bar dhac la galeen Inter , Torino halka guul daradii labaad ee xilli ciyaareedkaan ay axaddii kala kulmeen Roma

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.