Jose Mourinho Oo Ka Jawaabay Baaqii Ronaldo Ee Ahaa In Uu Layliyo Xilli Ciyaareedka Bilaabanaya Kooxda Juventus

Tababare Jose Mourinmho ayaa si daayay hadal u badinaya in uu laylinayo xilli ciyaareedka dambe kooxda Juventus ka dib markii uu codsi ka helay ciyaaryahankiisa hore ee Ronaldo.

Shan sano ka dib Juve waxaa maalmo ka hor ka huleelay tababare Allegri ka dib markii uu la qaaday 5 jeer is xigta oo horyaalka Iatly ah .

Jose Mourinhoa ayaa ka mid noqday liiska tababarayaasha lala xariirinayo Juve xilli macalinka uu haatan bila shaqo yahay tan iyo markii uu ka tagay United.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa shalay qortay in Ronaldo uu maamulka kooxda Juve ka codsaday in ay la soo hishiiyaan tababare Jose isaga oo ku dooday in uu awoodo laylinta kooxdaas.

Haatan wargeyska Mundo Deportivo ee Spain ayaa sheegaya in Jose uu ka jawaabay codisigii Ronaldo isaga oo yiri” ciyaaryaahan xariir uu igala dhaxeeyo ayaa igu yiri waa in xilli ciyaareedka dambe inoo timaadaa waxaase ugu jawaabay ima jecla”

Jose oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” waxa uu laacibkaas ii sheegay in kaliya ay muhiim tahay in aan badidayo sedexda kullan ee ugu horeeya ka dibna taageerayaasha ay bilaabayaan in ay i jeclaadaan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.