Jamie Carragher Oo Liverpool Kula Taliyay In Ay Dib Ula Soo Saxiixdaan Philippe Coutinho & Sababta Oo Uu Sharaxay.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool kula taliyay in ay dib ula soo saxiixdaan xiddiga Philippe Coutinho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Philippe Coutinho ayaa ka tagay Liverpool suuqii January ee 2018 isaga oo ku biiray kooxda Barcelona laakiin ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay.

Waxa jira warar sheegaya in ay kooxda Barcelona diyaar u tahay in ay 100 milyan oo euro ku iibiso xiddiga xilli lala xiriirinayo ku soo laabashada horyaalka premier League.

Carragher ayaana kooxdiisa Liverpool kula taliyay in ay dib ula soo saxiixdaan xiddiga reer Brazil maadama uu noqon doono dookh ku soo biiri doona shaxda Jurgen Klopp xilli ciyaareedka dambe.

“Ma odhan karo waa in ay si aad ah u raadiso laakiin hadii ay jirto suurtagalnimo ay Coutinho lacag yar ugu soo celin karto Barcelona diyaar u tahay in ay lacag aad u yar ku fasaxdo waan u dhaqaaqi lahaa”ayuu u sheegay Liverpool Echo.

“Miyaa lagu soo dhawayn lahaa Anfield? ma hubo laakiin waa in la soo dhaweeyo, ma arko sabab aan kooxda loogu soo dhawayn karin sababta oo ah waxa naga maqan xiddig isaga oo kale ah”.

Coutinho ayaa Liverpool u dhaliyay 54 gool sidoo kale caawiye ka noqday 45 kale 201 kulan oo uu u saftay kooxda Barcelona ka hor intii uuna ku biirin kooxda Barcelona.

1 Comment

  1. Website kani maha mid dhexa waxanad tageertaan kooxda Liverpool fadlan dadka dhex u noqda amam iska xidha

Leave a Reply

Your email address will not be published.