Inter Milan Oo Roma Kala Hishiisay Saxiixa Eden Dzeko

Kooxda Inter Milan ayaa lagu waramay in ay u dhaw yihiin saxiixa weeraryahanka Roma ee Eden Dzeko sida warg Sky Sport uu sheegeyso

Sky Sport waxa ay intaa sku dareysaa in Inter la filayo in hishiiska laacibkaas hore Man City ku dhawaaqaan todobaadka dambe

Dezko oo 33 sano jir ah ayaa Roma xilli ciyaareedkaan u saftay 32 kullan halka uu dhaliyay 9 goolxilli uu sameeyay 7 kale .

Sidaas oo ay tahay lama helin qiimaha uu Dzeko ugu wareegayo kooxda Inter Milan balse waxaa la xusay in labada dhinac ay ka hishiiyeen wax waliba

Waxaa xusid mudan in hishiiska Dzeko ee Roma uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.