Inter Milan Oo Dalab Ay Man United Kaga Doonayso Romelu Lukaku Miiska U Saartay, United Ayuu Faa,iido U Yahay

Kooxda Inter Milan aya wadahadalo la furtay kooxda Man United iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga sanadkan.

Wakiilka Romelu Lukaku ayaa dhankiisa wadahadalo kula jira Inter Si uu heshiiska shaqsiga ah haatanba ula gaadho kooxda Inter Milan si deg-deg ahna loo dhamaystiro heshiiska.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan dalabkii ugu horeeyay miiska u saartay Man United kaas oo dhan 30 milyan oo euro laakiin Ay Red Devils si deg-deg ah u diiday.

Laakiin Inter Milan ayaa haatan diyaar la ah dalab cusub oo dhan 30 milyan oo euro iyo waliba xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivan Perisic oo ay Man United si aad ah u doonaysay adeegiisa wakhtigii jose Mourinho.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe ka saaray weeraryahanka Romelu Lukaku isaga oo isku diyaarinaya in u badalkiisa u dhaqaaqo.

Dalabka  cusub ee ay Inter Milan diyaarka la tahay ayaa faa,iido weyn u ah marka loo eego in ay Man United raadinayso xiddig garabka ka ciyaara inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.