Gareth Bale Oo Si Xor Ah Ugu Biiri Kara Man United Ama Tottenham & Sababta Oo La Ogaaday

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso fikrada ah in ay si xor ah isaga fasaxdo xiddiga Gareth Bale inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

29 jirka reer Wales ayaa u muuqda mid haatanba ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Real Madrid xilli uu tababare Zidane doonayo in uu iska fasaxo xagaaga si uu booskiisa ugu dhaqaaqo xiddigo kale.

Gareth Bale ayaa haysta kooxo badan oo doonaya adeegiisa laakiin lacagta uu mushaharka u qaato ayaa ah mid ay ka meer-meerayaan kooxaha doonaya adeegiisa xagaaga.

Real Madrid ayaa haatan xiddiga mushahark u siisa lacag dhan 13 milyan oo euro sanadkii wargayska The Times ayaana haatan sheegaya in ay Real Madrid si xor ah ku fasixi doonto xiddiga si ay u dhimaan mushaharkiisa waalid ah.

Xiddigan ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo ay ka mid yihiin kooxaha Tottenham iyo Man United kuwaas oo doonaya adeegiisa adeegiisa.

United ayaa Bale ku raad joogtay muddo aad u dheer waxana ay ku fashilantay in ay hesho adeegiisa sanadihii ay doonaysay halka ay Tottenham xiiso u qabto in ay hesho saxiixa xiddiga.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.