Domenico Berardi Oo Doortay Kooxda Uu Kaga Biiri Doono Ingiriiska Haddii Uu Ka Huleelo Kooxdiisa Sassuolo

during the Serie A match between US Sassuolo and Parma Calcio at Mapei Stadium - Citta' del Tricolore on April 14, 2019 in Reggio nell'Emilia, Italy.

Xiddiga Sassuolo ee Domenico Berardi ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in xagaagaan uu ka huleelo kooxdaas reer Iatly sida La Gazzetta dello Sport ay qoresyo

Laacibkaas 24 sano jirka ayaa cadeeyay in haddii arintaas ay dhacdo in uu cagta saarayo horyaalka Ingiriiska gaar haan kooxda Liverpool

Wiilkaan reer Italy ayaa guud ahaan aayihiisa kubadda cagta waxa uu ku qaatay Sassuolo waxa uuna xilli ciyaareedkaan uu u dhaliyay 9 gool ka dib 35 kullan oo uu u saftay

Xilli ay jireen warar xooggan oo aad ula xariirinayay Inter Milan laacibka ayaa haatan arintaas hawada ku laalay waxa ayna tani dhiira gilin u tahay Liverpool oo baacsaneysay laacibka

Liverpool ayaa baacsiga laacibkaas soo bilwooday sanadkii 2015-ka balse ma jiraan dalab rasmi ah oo ay ka geeyeen saxiixiisa

Haatan kooxdiisa ayaa la xusayaa in ay dalban doonto qiimo dhan 50 milyan oo euro si Domenico Berardi u fasaxaan xagaaga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.