Diego Simeone Oo Kala Cadeeyay Hadal Uu Cristiano Ronaldo Ka Doorbiday Lionel Messi

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa kala cadeeyayy hadalkii uu kaga hadlayay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi ee codkiisa la soo dusiyay.

Intii lagu jiray koobkii adduunka Russia 2018, Diego Simeone ayaa u muuqday mid Cristiano Ronaldo ka doorbidaya xiddiga ay isku dalka yihiin iyada oo la helay cod WhatsApp ah oo loo soo dusiyay saxaafada.

“Waxa aan ka hadlayo ayaa ah in kooxda xalka yar leh in uu Ronaldo ku soo baxayo sababta oo ah waxa uu keeni karaa xalal badan”ayuu Simeone yidhi.

“Koox diirada saaraysa kubada cagta, Messi ayaa ku fiican”.

“Waxa aan ka hadlaynaa laba xiddig oo aad ugu fiican sida ay u ciyaaraan”.

“Cristiano waxa uu kulanka u go,aamin karaa qaab ka duwan Messi, uma baahna in uu qaado 10 weerar, waxa uu naga dhaliyay laba gool kadib waan hadhnay”ayuu yidhi tababaraha Atletico.

Simeone ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya labada xiddig ee heerka caalami ah.

“Labadooduba waxa ay u baahan yihiin koox laakiin farqiga ayaa aad u yar”.

“Lionel waxa uu si fiican ugu ciyaaraa kooxda weerarka badan laakiin Ronaldo waxa uu guul gaadhi karaa kulanka isaga oo kaliya laba fursadood helay”.

“Messi waxa uu ciyaaraa kubad adag oo ayna xiddigaha kale fahmin”.

“Messi waxa uu u ciyaaraa koox ka war qabta tayadiisa oo dhan waxa uu mar walbana u helaa xal”ayuu sii raaciyay.

6 Comments

  1. qof kasta oo kubada wax ka yaqanaa
    wuu ogyahay in messi ka fiican yahay ka Nummer 7 juvu uga ciyaara

    waad ku mahad santihiin markasta sidaad noola wadaagtaan war bixinta ciyaaraha

  2. horta nasiib daradu waxa weeyi
    inuuna qofna qiri Karin xaqiiqada
    zababtoo adoo messi udoodaya
    anigu waxan Ku raacsanhy fikirkaa kooxda.com
    sababtoo gool dhalin bilaa cadaadisa waxa iska leh cristiano

  3. camali sxb ninka libintiisa waalo qiraa ma inaad dhahdo donka ama Cr7 ayad ka xishootay wadiga leh kan number 7 watee magac soomaleh

    hadan inta ka imado ronaldo halkaa wuxu ku yimi dadaalkisa iyo kartidiisa lkn messi wxu kuyimi abaal ay barca u gashay waa nin gurigiisa joga ronaldo haday koox yar noqoto iyo haday juve noqoto meel ayuu geynaya messi waa mucjisada kubada hadii uu laliga katago wxba matarayo tagere Cr7 bana ahay lkn wax waa laysku qiraa

Leave a Reply

Your email address will not be published.