Chelsea Oo Hishiis Cusub Ka Saxiixaneysa Giroud , Imisa Ayuu Gaarayaa ?

Chelsea ayaa hishiis dheeraad ah ka saxiixaneysa weeraryaahnkooda Giroud waxa ayna tani albaabada u xereysaa wararka sheegayay in laacibka uu baxayo

Ugu yaraan hal xilli ciyaareed dheeraad ah ayuu Giroud u saxiixayaa Chelsea waxa ayna tani imaaneysaa xilli kooxdaas uu ganaax ka saaran yahay suuqa xagaaga .

Wiilka reer France ayaa xilli ciyaareedka soo dhamaaday Cheslea u dhaliyay 12 gool waxa uuna in badan ka sheegtay doorka uu uga ciyaaro kooxda Chelsea

Sidaas oo ay tahay kaliya 7 jeer ayuu xilli ciyaaraadka kaga soo biloowday horyaalka Ingiriiska waxaana lala xariirinayay in xagaagaan uu aadayo kooxda Nice ee France kuwaasi oo la soo xariiray

Balse 32 sano jirkaas hore Arsenal ayay Chelsea haatan ka saxiixineysa hishiis dheeraad ah oo gaaraya hal sanno

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.