Chelsea Oo Eden Hazard Uga Faa`iidaysanaysa In Ay Heshiis Cusub Uga Saxiixato Callum Hudson-Odoi

Kooxda chelsea ayaa ku biirista Eden Hazard ee Real Madrid uga faa,iidaysanaysa in ay heshiis cusub uga saxiixato da,yarka Callum Hudson-Odoi waliba ugu qanciso in uu sii joogo kooxda.

Callum Hudson-Odoi ayaa bartilmaameed u ah kooxda Bayern Munich kuwaas oo suuqii January isku dayay in ay helaan adeegiisa laakiin Blues ayaa diiday in ay fasaxdo da,yarka.

Wargayska Daily Mial ayaa sheegaya in uu Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard isaga tagi doono kooxda Chelsea kuna biiri doono kooxda Real Madrid xagaagan.

Sidaas darteed Chelsea ayaa ka fikiraysa in ay Callum Hudson-Odoi ka dhigto badalka Tooska ah ee Eden Hazard marka uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea Callum Hudson-Odoi u soo bandhigi doonto Lambarka No.10 iyo waliba heshiis 5 sano ah isaga oo ka ciyaari doona garabka Eden Hazard.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa wali diirada u saaran kooxda Bayern Munich waxana ay chelsea isku dayaysaa in ay Callum Hudson-Odoi ku qanciso in uu iska sii joogo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.