Bartilmaameedka Real Madrid Ee Luka Jovic Oo Si Maldahan U Sheegay Horyaalka Uu Doonayo In Uu Ka Ciyaaro

Xiddiga diirada u saaran kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa shaaca ka qaaday horyaalka uu doonayo in uu ka ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Luka Jovic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa Eintracht Frankfurt ka caawiyay in ay gaadho Semi-finalka Europa League xilli ciyaareedkan.

“Dhanka awooda jidh ahaandeed horyaalka Bundesliga waa mid aad u adag”ayuu Jovic yidhi.

“Laakiin Markii aan ka hor tagay chelsea iyo Inter Milan waxa aan shaqsi ahaan dareemay in aan si fiican uga ciyaari karo horyaalka Premier League ama Serie A-da”.

“Marka loo eego qaabka ay u ciyaaraan kooxahaas ayaa u ciyaara qaab ciyaareedka aan jecelahay”.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Serbia ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid kuwaas oo ku dhaw adeegiisa xilli ay wadahadalo ku jiraan labada kooxood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.