Barnaamijka N X : Hakim Ziyech Sababta Uu Waxbarashada Uga Haray Waayihii Maandooriye Iyo Nolosha Uu Ku Soo Koray , Sucaad Samaara Ayaa Soo Jeedineysa

Magaciisu oo dhameystiran waa Hakim Ziyech, kaasi oo khadka dhexe ee weerarka uga dheela naadiga Ajax  waxa uu xetyaa  lamberka 22-aad halka qarankiisa Morocco uu u xerto lambarka 7-aad

Waxa uu 19-kii Maaj, 1993-dii uu ku dhashay kuna soo barbaaray, waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay magaaladda Dronten ee wadanka Netherlands. Dhirarkiisu waa 1.81 feet, culeyskiisuna waa 67 Kg.

Nolosha reerkiisu waxay ahayd midka iska yar-hooseysay, waxa uuna kusoo koray qoys reer cayaaro ah, Isaga iyo saddex kamid ah walaalihiisa ayaa u soo wada dheelay naadiyada SV REAAL Dronten iyo ASV Dronten.

Hakim Ziyech, waa uu ka duwanaa walaalihiisa, maxaa yeelay aad ayuu u jeclaa kubadda cagta, Tani ayaa keentay in uu ka haro waxbarashadda. Waxa uu noqday koola cab iyo maandooriye kasta, hadaba  sheekadaan kaga bogo barnaamijka Nolosha Xiddigaha Ee Laacib Tv Tube waxaana soo jeedineysa Sucaado Samaara  , fadlan ka mid noqo asxaabta ii Subscribe dheh

4 Comments

  1. Aniga waxaan aad uga xumahay Nin walaalkeena Oo Muslim ah in LA aflagaadeeyo sucaado Siman wax wanaagsan MA adaan sameyn xakiim ziyech waa Nin Muslim ah Oo u dhashey dalka Morocco waa uu somanyahay ilaahey dartiisa hadii aad rabto inaad aflagaadeyso dadka wawanaagsan Fadlan kafiirso ceebteena Alaah ha asturo

Leave a Reply

Your email address will not be published.